Somali

Erikieliset materiaalit

Tältä sivulta löydät somalinkieliset materiaalit.

Horumarinta caafimaad maskaxeedka!

Hoos u dhaca caafimaadka maskaxda iyo xanuunada maskaxda kuma xirna luqada, hab-dhaqanka iyo dhalashada. Buug-hagehaan idinka ayaa la idiin qoray, oo ah hagayaasha kooxaha, kuwaas oo horumarinaaya caafimaadka maskaxda ajnabiga Finland degan. Hagaha waxaa kale oo loogu talagalay waayeelka asalkoodu ajnabiga yahay kuwaas oo
xiiseynaya horumarinta caafimaadka maskaxdooda iyo arimaha ku saabsan xasuusta.

Macluumaadka ku saabsan xasuusta waxaa in badan lagu daabacay luqada finnishka. Hagahani wuxuu isu keenayaa hal qoraal oo akhrintiisu sahlantahay mowduucyada ugu muhiimsan ee xusuusta laga qoray. Hagahan waxaa laga sameeyey casharadii mashruuca ETNIMU uu dhigay 2015-2016kii. Casharada hagahan ku qoran waxaa lagu qoray
luqadaha kala ah: finnish, istooniyaan, ruush iyo af-soomaali.

Hagahan waxaa caawinaya tababarada buug-hagayaasha jimicsiga dardargelinta maskaxda 1 & 2, kaas oo lagu taliyey in lala isticmaalo
hagahan. Hagayaashan waa qalab u sahlaaya tababarayaasha kooxaha inay si isku mid ah u hagaan kooxaha ay tababarka siinayaan.

Qoraalada hagahan waxaa lagala tashaday qabiiro taqasus kala duwan leh, kuwaas oo kusoo kordhiyey fikrado dheeraad ah. Caawimaadoodana waan uga mahadcelinaynaa! Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa kooxda mashruuca ETNIMU, wada-howlgalayaasha iyo ururka Suomen muistiasiantuntijat ry caawimaadey ka geysteen sameynta hagahan.

  1. Xogta xusuusta
  2. Caafimaadka Maskaxda
  3. Qalqalka xusuusta, Jirooyinka xasuusta iyo Xusuus Xumo
  4. Maskaxda faraxsan si wanaagsan ayey wax u xasuusataa
  5. Dareemada
  6. Jimicsiga
  7. Dibad-ubixid
  8. Nafaqo
  9. Hurdo iyo hurdo xumo
  10. Si wanaagsan ula dhaqan qofka qaba cudurka xasuusta                         
  11. Isbedelka dhaca markuu yimaado cudurka xasuusta
  12. Calaamadaha digniinta ee cudurka xusuusta

Jimicsiyada dardargelinta maskaxda 1

Buug-hagehaan idinka ayaa la idiin qoray, hagayaasha kooxaha, kuwaas oo horumarinaaya nolosha dadka waayeelka ah ee Finland soo degay. Buug-hagehaan waxaa lagu soo aruuriyey 22 tababar ee iskuduwida iyo foojignaanta, kuwaas oo caawinaaya caafimaadka maskaxda horeyna u marinaaya isla shaqeynta maskaxda iyo murqaha. Maskaxduna waxay u baahantahay firfircooni.

Dhaqdhaqaaq iyo jimicsiga habba yaraadaanee waxay noqon karaan mid muhiim u ah tayada nolosha. Awooda lagu xakameeyo murqaha laguna hago dhaqdhaqaaqa hoos ayey u dhacdaa marka la duqoobo. Jimicsi joogto ah ayaan hoos ugu dhigi karnaa isbedelkaas.

Dhaqdhaqaaqa wuxuu xoojiyaa faya-qabka maanka wuxuuna taageeraa xusuusta. Way wanaagsan tahay in naftaada aad ku qasabtid wax aadan horey u sameyn. Xirfadaha cusub waxay maskaxda u furaan xiriiryo cusub. Foojignaanta oo kor loo qaadana waxay maskaxda ka caawisaa howl-maalmeedka.

Firfircoonida iyo xiriirka bulshda ayaa lagama maarmaan u ah shaqada maskaxda. Jimicsiyadaan waxaad ku sameyn kartaan koox ahaan ama keligaa gurigaaga. Markaad jimicsiga isla sameyneysiin waxaad ka helaysaa caawimaad qofka kale isla markaana wax isla qabashadu waxay keentaa qosol qofka u wanaagsan. Barashada dhaqdhaqaaq cusub waa lagu guuleystaa markuu jimicsigu xiiso leeyahay oo dhaqdhaqaaqa lagu celceliyo dhowr jeer.

Jimicsigaan waxaa loo diyaariyey in, laga bilaabo qeyb fudud loona gudbo tan adag. Heerar kala adag ayaa loo gudbaa iyadoo lagu siyaadinaayo dhaqaaqyo kala dhinac duwan iyo iyadoo lagu soo kordhinaayo qeybaha kale ee jirka, tusaale ahaan lugaha iyo gacmaha. Jimicsiga waxaa lagu sameyn karaa fadhi ama istaag. Isku daya inaad isla sameysaan jimicsiyo cusub.

Jimicsiyada dardargelinta maskaxda 2

Buug-hagehaan idinka ayaa la idiin qoray, hagayaasha kooxaha, kuwaas oo horumarinaaya nolosha dadka waayeelka ah ee Finland degan. Buug-hagehaan waxaad ka helaysaa 26 tababar kala duwan ee dardargalinta maskaxda. Jimicsiyadan iyo tababaradan waxaad ka semyn kartaa tababaro cusub oo aad siin kartid kooxdaada.

Tabatar siinta maskaxda waa hab cusub oo lagu horumariyo caafimaadka maskaxda. Qofka kasta oo naga mid ah wuu horumarinkaraa shaqada maxkaxdiisa. Ma jiro xusuus xun ama mid fiican. Xasuusteena si xulasho leh ayey u shaqeysaa iyadoo dalbaneysa waxa ay xiiseynayso. Markaa sameynayno tababarka foojignaanta iyo ka fiirsashada, waxaan gelin karnaa arimo kala duwan xasuusteena angoo isticmaalayna dareenka.

Habka ugu sahlan ee xasuusta loogu foojignaado howsha aad sameynaysid, waa in la horumariyaa nidaamka shaqada, hal abuurka iyo mala-awaalka. Tababar siinta maskaxda lagama fekero sida wax loo xasuusto, ee waxaa la hormariyaa isticmaalka xasuusta, markaas oo la helo xiriirka ka dhexeeya waxa la xasuusanaayo iyo wixii horey loo ogaa. Markuu qofku helo xiriirkaas, iyo sidey isu leeyihiin ayey u sahlantahay inuu xasuustiisa ku keydiyo arimo cusub.

Tababar siinta jirka wuxuu keenaa caafimad jireed, sidoo kale tababarka xasuusta waa muhiim faa’iido badana leh. Markaad sameynaysid tabarka iyo jimicsiga maskaxda kartida ruuxda way sii hagaagta. Tababarada buug-hagehaan si madax banaan/keligaa ayaad u sameyn kartaa, laakiin kooxda waxaad ka helaysaa farxada wadjirka taas oo keenta niyad wanaagsan iyo dareen wadajir ah.

Jimicsiyadan waxaa loo diyaariyey looguna talagalay in lagu isticmaalo hagida tababarada kooxda: ka wada haladka mowduucyo la soo doortay, erayo lagu
cayaaro, gacanta oo wa lagu qabto (tusaale ahaan. by midabayn) iyo ku darid howlo cusub. Waxaad isla sameyn kartaa tababaradan iyo jimicsiyada, si saacada jimicsiga ay u noqoto firfircooni kala duwan leh.

Täältä löydät kaikki ETNIMU-toiminnassa eri kielillä julkaistut materiaalit. Maksuttomat oppaamme on tarkoitettu kaikille aivoterveydestä, muistityöstä ja sen kehittämisestä kiinnostuneille. Valitse ylävalikosta haluamasi kieli ja tutustu materiaaleihimme.

Osa suomenkielisistä materiaaleista on laadittu selkokielellä yhteistyössä selkokeskuksen kanssa.

KansiNimiKieli
Horumarinta caafimaad maskaxeedka

 Jaakson S, Jaakkola U.
somalia
Jimicsiyada dardargelinta maskaxda 2

 Jaakson S, Jonuks A, Jaakkola U.
somalia
Jimicsiyada dardargelinta maskaxda 1

 Jaakson S, Rönkkö E, Jaakkola U
somalia